Laacib chelsea ka tirsan oo si xun ugu camirtay ozil.!!

DHACDO UGUB AH: Laacib Chelsea ka tirsan oo si xun ugu camirtay Ozil.!!

Feb 10, 2014 –

(London) 10 Feb 2014 – Taageerayaasha Arsenal ayaa dabcan aad ugu farxay imaanshihii Mesut Ozil oo xagaagii Real Madrid kaga yimid lacagtii ugu badnayd ee ay kooxdaasi abid laacib soo siisato taasoo ahayd £42.5milyan oo gini, waxayna wax badan u rajaynayeen sidii taayoo uu xasarad kasta xallin doono.

Ninkan Jarmanka ah ayaa bilowgii taageerayaasha uga farxiyay goolal gacan mugeed ah iyo dhowr gool oo uu saaxiibadii u sameeyay, balse weli si la yaqaanno ugama soo bixin booskii laga filayay marka la eego lacagta ay kooxdu ku beeshay.

Hadaba tiiyoo ay caadi tahay in laacibku uu xag xagasho badan kala kulmo taageerayaasha Gunners, gaar ahaan iyada oo lagu eedeeyay inuu ‘isma lure’ ahaan u dhaqmayay kulankii Arsenal afarta lagu hoobiyay 20 daqiiqo gudohood ee markii dambe 5-1 ku dhamaaday.

Ruben Loftus-Cheek markii dambe wuu tiray tweet-kan. (Sawirka: Twitter)

Si kastaba taageerayaasha kooxdaada waadba u dulqaadan kartaaye wuxuu Ozil weerarku uga yimid jiho uusan ka rajaynaynin, waana dhanka xidig-yaraha chelsea ee Ruben Loftus-Cheek oo bandhigga kubad qaabeeyahan ‘wiirsi’ iyo maad ka dhigtay.

‘Ozil meeshu waa Premier League sxb, Intaasi kuguma filla #Inaad qof fiican iska dhigdhigto!’ ayuu soo tweet-gareeyay.

Gool FM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *