Keith ellison oo ah ninkii ugu horeeyey ee american muslim ah oo ku guuleysta jagada ugu weyn..

More Pictures Please Click here to view

Daawo Masawiradii Dadka
Codeeynayey


Keith Ellison oo ah ninkii ugu horeeyey ee
American Muslim oo ku guuleysta jagada ugu weyn ee Aqalka Congresska ee United
States of America.

Keith ayaa laga soo doortay meelaha ay ugu
badan yihiin dadka Muslimiinta ah isla markaana waxaa ugu sii badan muslimiintaa
dadka ku abtirsada Soomaaliya.

Keith ayaa ah nin ugu jiray dagaal xoog leh
sidii uu kusoo bixi lahaa in mudo ah keith ayaa laga weyn jirin meelaha ay
soomaalidu isugu yimaadaan sida moolasha Masaajidada ay Soomaalida ugu badan
yihiin ama ayba dhisteen, iyo Xarumaha dhaqdhaqaaqa Jaaliyadda Soomaalida sida
Brian Coyle Center.

Brian Coyle Center oo ah Xarunta ama Xaafadda
ay Jaaliyadda Soomaalidu ugu badani ay degan tahay ayaa lagaweyn jirin.

Shalay waxaanu tagnay Xarumaha Doorashooyinka
siiba Brian Coyle Center waxaana ku soo aragnay dad tiradoodu badan tahay oo aad
u faraxsan isla markaana jecel ineey Codkooda bixiyaan kadibna dantooda raacdaan
waxaa meesha buuxd dhaafshay Baabuurta dadka Codeeynaya ay wateen.

Waxaa
halkaasi latar tamayey keith ninka layiraahdo
Alan Fine
.

Waxaan weydiiyey Hooyo Soomaaliyeed dadka loo
codeeynayo iney wax kataqaan markaasaa waxay Hooyadaa igu tiri Hooyo waxaan ka
aqaan oo ugu horeeya waa Keith Ellison oo aan meelahaan ku arko ninkan baan u
imi meeshan waqtigeeyga qaaliga ahna kuluminayaa.

Waxaad arkeysaa odayaasha iyo dhalinyaro
farabadan oo sanadan yimi meelaha ama Rugaha Codeeynta isla markaana jecel iney
codkooda dhiibtaan.

Waxaan lakulmay nin asalkiisa ka soo jeeda
wadanka Liibiya lana yiraahdo (TJ) “wuxuuna ugu yiri waxaan ku faraxsanahay
inaanu dooraney nin noo hadla isla markaana ah nin Muslim ah waxay noo tahay
maantay Taariikh aduunka baal dahab ah ka gashay siiba dhulka mareeykanka isla
markaana yiri ilaah baa weyn”.

Waxaan weydiiyey ninkan in wali lagu dhawaaqin
doorashadiisa ama uusan wali si rasmi ah loo baahin inuu soo baxay ee sidee u
tiri?

Waxaa uu igu yiri TJ oo ah magaca uu watay
waxaan ka barinay Rabi intuu istaagayna yiri fiiri waxaa ugu badan meeshaan ama
Xaafadahaan Muslimiinta siiba Soomaalida oo jecel inuu soobaxo waa ale mahadii
markale yiri kuna sii xijiyey Alaahu Akbar Alaahu Akbar.

Dadka Codeeynayey waxaay Duhurnimadii mareeysay
codeeynta 400 Xaafada Siidar markii ugu dambeysayna waxaa uu yiri Axmed oo ah
wiil dhalinyaro Soomaaliyeed oo u ololeeynayey Keith Ellison baa yiri Codeeyntii
hore ee uu ku soo baxay Keith Ellison waxay ku soo gaba gabowday ku dhawaad 480
marka waa guul ineey dadbadani codeeynayaan wali hadana waa duhuradii.

Waxaa isha la raacayey dad uun raba ineey ugu
shubaan Keith Ellison oo magaciisa sita waraaqo uu ku qoran yahay waxaad
umaleeynaysaa inuu u hayey sidii Qof Haraad haya oo kale.

Waxaa ugu dambeystii ku soo baxay Keith Ellison
oo ku guuleystay Tiro aad ubadan.

Tani oo gabi ahaan mareeykanka ku noqotay
Baraarug isla markaana Xisbiga layiraahdo Dimoqraadiga ayaa waxay xaaqeen Aqalka
Congresska ee Washington D.C

midankale oo ah mid taariikhi ah oo ayaduna
galeysa baal dahabi.

vert.pelosi.cnn.03.jpg

Kala soo xiriir Somali American Media Assocation (SAMA)

115 E lake Street suite 202
Minneapolis, MN 55408
(206) 600-2906
(612) 246-3345

[email protected]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *