Dhageyso codad: madaxweyne farmaajo oo diidaain la ansaxiyo xukumadii sharma’arke ee 67 aheed hadane dalbaday in la ansaxiyo xukuudama khetre

Muqdisho, Mar 22 (Somaalinews)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in uu xildhibaanada Baarlmaanka Soomaaliya uu kula dardaarmaayo in ay Ansixiyaan Wasiirada cusub ee uu soo magacaabay Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynaha Soomaaliya ayaa xusay in dowladdiisa ay horyaallaan caqabado badan oo ku aadan sidii loo xasilin lahaa dalka iyo sidoo kale dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

DHAGEYSO  FARMAAJO OO KU BAAQAY IN LA ANSIXIYO XUKUUMADDA 

Audio Player

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaarjo ayaa siweyn u dhaliilay xukuumadii hore ee Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo uu Madaxweyne u ahaa Xassan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ku eedeeyey tiro badni iyo kharash isagoo sheegay in xukuumad intaas le’eg aysan Soomaaliya qaadi karin.

Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyey mida uu Ra’iisul Wasaare Khayre soo dhisay taas oo ka badan midii Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

DHAGEYSO FARMAAJO OO HOREY U DIIDAY XUKUUMADDII CUMAR CABDIRASHIID OO 67 KA KOOBNAYD

Audio Player

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *